Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Gobollada oo la kulmay hay’adaha samafalka

Date:

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.

Kulankan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirrada ay quseyso , sida qorsheynta, gargaarka, waraabka iyo Biyaha, Guddoomiyeyaasha Saddexda Gobol ee uu maamulkaasi ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Maxaed Ibraahim Barre, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha ay hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ugu howl-geli lahaayeen meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xakamyn lahaa abaaraha soo laalaabta, taas oo laga cabsi qabo in ay mar kale ku dhufato degaanno kale iyo wax ka qabashada Biyo la’aanta ka taagan Baydhabo, Buur-xakaba iyo Af-gooye oo uu haatanba guray Webiga Shabeelle.

Sidoo kale waxay Madaxda Koofuf Galbeed iyo hay’adaha Caalamiga ka wada hadleen Biyo la’aanta haatan ka jirta Degmooyinka Buur-xakaba iyo Baydhaba, iyo sidii loo yarayn lahaa halista abaar laga yaabo in ay ka dhacdo, lana gaarsiiyo Dadka gargaar xilliyada loo baahan yahay, lana hubiyo habka loo maareeyo qeybintiisa.

Kulanka ayaa si gaar ah Diiradda loogu saaray baahiyaha xagga samafalka ah ee ka jira Gobolka Shabeellada hoose, waxanay madaxda Koofur Galbeed iyo hay’adaha hoosta ka wada xarriiqeen in dhammaan degaannada Gobolka Sh/hoose la gaarsiiyo gargaarka loogu tala galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...