Guddoomiye kuxigeenka-2aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo Garowe lagu soo dhaweeyay

Date:

Garowe (SNTV) Wafdigan uu hoggaaminayay guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedka socdaalka wafdigan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa uu ka yahay ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha Puntland oo beri ka dhacaysa magaalada Garowe.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni,guddoonka baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo maalinta beri ah la filayo in ay dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweynaah cusub ee maamulka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...