Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha oo la kulmay Ururada bulshada rayidka ee K/Galbeed

Date:

Baydhabo (SNTV) Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka oo qeyb muhiim ah ka matalaada shacabka deegaanada Koonfur Galbeed soomaaliya,waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ,Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ,Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shaabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu doonayay in ay Kaalintooda Nabadeynta ah Qaataan Bulshada Rayidka si loo sii dardar geliyo howlaha dib u heshiisiinta ah ee Maalmahanba uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ah u Joogo magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa talooyin Ku saabsan qaabka loo Gaarsiin karo Bulshada Rayidka Howlaha Dib u heshiisiinta iyo sida Looga Gudbi Karo Caqabadaha Hortaagan Hormarka Bushada Koonfur-galbeed,waxay la wadaageen Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo Kale Waxay Soo jeediyeen In Dhankooda Ay Qeyb Ka ahaadaan Ayna Ka Codsanaayaan In ay Qeyb Ka Ahaadaan Gudiyadda Ku Howlan Dib U Heshiisiinta Maadaama Ay Jiraan Shaqsiyaad Si Wanaagsan uga soo qeyb Qaatay Dib U Heshiisiino Badan oo Lagu Qabtay degaanada Maamulka Koonfur-galbeed,

Dhageysiga Soo Jeedimaha Ay Soo Gudbiyeen Ka dib Ayuu Gudoomiyahu Ka Hadlay Sida Ay Lagama Maarmaanka U Tahay In Ay Doorkooda Qaataan Bulshada Rayidka Maadaama Ay U dhexeeyaan Shacabka Iyo Madaxda Ama ay U Hadlaan Shacabka.

“Waxaan Aaminsanahay in aad tihiin Dadka Ugu Muhiimsan Oo Loo Baahanyahay In Ay Howlaha Dib U heshiisiinta ah Ka Qeyb Qaataan, Waad Ogtihiin Deegaanadan waxay u baahanyihiin Hormar dhinac walba ah Iyo sidii Bulshada Ay Iskugu Duubnaan Lahaayeen Waa Meesha Kaliya Oo aan Dadka kala Hadli Karno”Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Ayaa Intaasi ku daray in Ururada bulshada rayidka ay ku garab taaganyihiin wax walba oo ay u baahanyihiin si loo Xaliya Dhibaatooyinka Bulshada Dhexdeeda Haysta.

“Waxaan u baahanahay Bulshadaan Inay Hormarkooda ayaga Ay Ka Tashadaan Sidoo Kalena Ay Garab istaagaan Dawladooda “Ayuu Hadalkiisa Ku Soo Gaba gabeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...