Dowladda Soomaaliya iyo Hayโ€™adaha gargaarka oo ku dhawaaqay qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Biniโ€™aadamnimada ee 2019

Date:

Muqdisho, 21 Janaayo 2019: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hayโ€™adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Biniโ€™aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hayโ€™adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.

Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac.

Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u daโ€™ay iyo gargaarka biniโ€™aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo biniโ€™aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha biniโ€™aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka biniโ€™aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.

โ€œHaddii aysan hayโ€™aduhu sii wadin gargaarka biniโ€™aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadkaโ€ ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha biniโ€™aadamnimada ee Soomaaliya. โ€œwaxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf lehโ€

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hayโ€™adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. โ€œQorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha biniโ€™aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hayโ€™adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintanโ€ ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. โ€œWaxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework)

Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hayโ€™adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...