Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose ee dalka

Date:

Baladweyne (SNTV) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan qeyb ka ah kulamadii lagu xoojinayay xiriir Dawladda Hoose ee Muqdisho ay la leedahay Dawladaha hoose ee Magaalooyinka Waaweyn ee dalka la qaatay Duqa Degmada Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya Dawladaha Hoose ee dalka, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo dhismaha Maamul hoosaadka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa xusay Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkii la soo dhaafay waday qorsheyaal lagu adkaynayo xiriirka Dawladaha Hoose ee dalka, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhankiisa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Duqa Beledweyne. Iyadoo lagu wareejiyey gaari Bas ah oo loogu adeegayo bulshada.

Duqa Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta iyo iskaashiga lagu adkaynayo Maamul hoosaadyada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir isagoo ka duulayo baahida loo qabo xoojinta iyo iskaashiga Dawladaha hoose ee dalka ayuu wadatashiyo lagu adkaynayo iskaashiga Dawladaha Hoose waxuu bilihii la soo dhaafay la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi...

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Magaalada Dhuusamareeb oo laga xusay Maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin...