Maleeshiyaad badan oo Argagixisada looga dilay Dagaal ka dhacay Baar-sanguuni

Date:

Baar-Sanguuni (SNTV) Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyay Weerar ay Malleeshiyaadka Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisimaha hore ee ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay 73 ka mid ahaa Argagixisada duulaanka soo qaaday ayaa weerarka lagu dilay, waxaa jira duqeyn xaga cirka ah oo tiro gaadiid ah looga gubay argagixisada, sida ay xaqiijiyeen Ilo muhiim ah oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni.

Gaari Malleeshiyaadka Alshabaab ay u diyaariyeen qaab aan xabadaha yar yar karin ayaa waxey ugu tala galeen in ay la beegsadaan buundada Baarsanguuni ee Ku dhow Degmada Jamaame, gaarigaas oo ay waxyaabaha Qaraxa ka buuxaan, balse Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...