Gaana oo Ciidamo Boliis ah u soo direysa Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Dowladda Ghana ayaa lagu wadaa in ay dhawaan Dalka Soomaaliya u soo dirto in ka badan 160 Askari oo Boliiska ah, si ay ugu qayb qaataan howlaha nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan Dalkeenna ee AMISOM.

Xukuumadda Akra, oo ka jawaabeysa dalab uga yimid Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo uu tirsigiisu yahay 2431 (2018), ayaa qorsheyneysa in ay Soomaaliya u soo dirto Ciidan Boliis ah, si kor loogu qaado tirada iyo tayada Ciidanka Boliiska ee howlgalka Midowga Afrika.

Qaraarkan uu tirsigiisu yahay 2431, ayaa oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wataan hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM illaa 31-ka Maajo 2019, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan 1,040 Askari oo Boliis ah, waloow ay haatanba jiraan Cutubyo Boliiska AMISOM ah oo ka shaqeeya Dalka.

Horraantii Todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socota Boliiska Dalka Gaana, si ay usoo qiimeeyaan halka ku habboon fariisinkooda, iyagoo Indha-indhayn kusoo sameeyay xaaladda amniga iyo jewiga guud, maaddaama uu qorshahu yahay in ay halkaasi ka dhigtaan Saldhig.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa Saraakiisha gaadhay Baydhaba u sheegay Shalay oo Khamiis ahayd, in Gaana ay Gacan ka geysan doonto buuxinta baahida loo qabo howlaha Boliiska AMISOM.

Mr; Mulongo,  ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Ghana ugu soo direyso Unug ka mid ah Booliskeeda, isaga oo sheegay in ay kor u qaadi doonto tayada AMISOM, kuwaas oo xoojinaya sharciga iyo kala dambeynta meelaha laga xoreeya cadowga Al-Shabaab.

Ciidankan ayaa tababarka dhammaysanaya Bisha March ee Sanadkan, iyadoo qalabayn ka dibna loo soo duulin doono Muqdisho, waxaana loogu sii qaadi doonaa Baydhabo, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Boliiska Gaana ee ka tirsan AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...