Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maantaย  Wada-tashi ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9) la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ahmiyaddaย  wadatashigaan ayaa ah diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalkeena yeelanayo, iyaddoo ย lagu saleenayo yarenta Saboolnimada ama faqriga, waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka.

Inta uu socday wadatashigaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saaray qodabada kala ahย  Qeexitaanka Saboolnimada , Qiimeynta Xaalada Saboolnimada ee Soomaaliyaย  iyo hanaanka loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, islamrkaana shaqo abuur loo Sameyn lahaa,ย  tasi oo ay aad u boggaadiyeen Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS Mudane Asad Yuusaf Qanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegayย  in dawladda ay ka goโ€™an tahay yarenta Saboolinimada iyo kobcinta dhaqaalaha.

โ€œWaxaan maaliintii labaad wadatashi la yeelaynay rugta ganacsatada Soomaaliyeed oo aan si wayn ugu wadatashanay geedi socodka diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horurmainta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad), dawladda way ka goโ€™an tahay yareenta Saboolnimada oo saldhig u ah Qoshaahan, sidoo kale waxuu horseed ka yahay geedi socodka deyn cafiska Soomaaliyaโ€ ayuu yiri Asad Yuusaf Qanyare

Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaayay wadatashiga inuu yahay mid guul weyn dalka u horseedayo, taasi oo ay ku qeexeen muhiimada qorshaha horumarinta Qaranka tubaha saldhiga looga dhigay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...