Madaxweyne Farmajo oo siweyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed.

Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi.

Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...