Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Madaxda iyo Maamulka Hay’adda Warbaahinta Afrika “Sawirro”

Date:

Khartoum (SNTV- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane C/risaaq Axmed Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxda iyo Maamulka Hay’adda Warbaahinta Afrika oo fadhigeedu yahay magaaladda Khartoum ee dalka Suudaan.

Safiika ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Warbaahinta Afrika, iyaggoona u soobandhigay qorshaha loo aas-aasay Telefashinnada kala duwan ee hoos yimaada oo uu kamid yahay mid ku hadla Afka Soomaaliga, waxa ayna ballan qaadeen inay kala shaqeyn doonaan Shacabka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya baahinta horumarka dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Warbaahinta Afrika dadaalka ay hayaan, waxuuna sheegay in looga baahan yahay in ay xoogga saaraan siddii ay dadka Soomaaliyeed ugu iftiimin lahaayeen khatarta Argagixisada ay ku hayaan Shacabka, islamarkaana ay fursad siiyaan Culimada Soomaaliyeed in ay banaanka soo dhigaan fikirka gurracan ee nabad diidka Alshabaab, isagoona ugu baaqay in ay baahiyaan Caqabadaha heysta Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan,si ay ugu fududaato in ardayda ay qeyb uga noqdaan shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ka codsaday Maamulka Warbaahinta Afrika in ay kaalin ka qaataan tayeynta iyo tababarrada wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo xarummaha Warbaahinta ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...