Banaabaxyo ka dhashay qiimaha shidaalka oo sare u kacay oo Zimababwe ka dhacay

Date:

Banaanbaxyo ay shacabku uga cabanayaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay ayaa ka socda dalka Zimbabwe ee Koofurta Afrika

Magaalada caasimadda ah ee Harare iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lixaad leh oo xiray isku socodka gaadiidka, waxaana dadku ay gubayeen taayaro, iyagoo ku qaylinayey hadalo ay ku diidanyihiin qiimaha shidaalku halka uu gaaray.

Halka Liter oo Naaftada ah ayaa hore u ahaa qiime aan ka badnayn $1.5, balse hadda waxa uu marayaa $3.31, taas oo gaadiidley badan ku keentay inay baabuurta garaashyada ku xareeyaan markii shidaal loo waayey.

Ciidamada Booliska ayaa kala eryay dad isugu soo baxay magaalada Bulawayo, waxaana ay fureen jidadka taayarada lagu gubay, balse wali baahiyada shacabku waa mid aan laga jawaabin.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa waxa uu sheegay in dawladdu ay si kas ah u samaysay qiima kordhinta shidaalka, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta ay siyaasadaas u qaateen.

Zimbabwe oo ah dal ka soo kabanaya muddo dheer oo xukun Militari ah, ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhaqaale, mana lahan Bad iyo Dekado, waxaase ay ku tiirsanytahay Dekadaha dalaka dariska la ah oo ay wax uga soo dagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...