Faah faahin ka soo baxaysa Soomaali dhawaan lagu xiray Tanzania

Date:

Tanzania (SNTV) Sida ay qortay Jariiradda (The East Africa) waxaa dalka Tanzania ka soconaya howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadka ajaanibta ah oo sida sharci darada ah ku galay dalkaasi,ka dib amaray ka soo baxay dowladda Dalkaasi.

Kangi Lugola oo isagu ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi Tanzania ayaa soo saaray amar uu siinayo laamaha socdaalka iyo amniga oo ah in ay gur guri uga baalaaran dadka soo galootiga ah ee dalkaasi,si looga hortago.

Meelaha ugu badan oo dowladdu ay sheegtay in dadkaasi  inta badan ay ku dhuuntaan waxaa kamid ah Goballadda Kagera iyo Kigoma kuwaasi oo xad dhow la wadaaga dalalka Rwanda,Burundi Uganda iyo Kongadda Dimuqraadiga,xili dalkaasi ay ku soo food leeyihiin doorashooyinkii hoose ee deegaanada.

Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada ammaanka iyo ilaalada xuduudaha dalkaasi ayaa waxaa ay ku qabteen 11 muwaadiniin Soomaali ah,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay kamid yihiin dad sharci daro ku galay dalkaasi,iyagoo waqtigaasi ku sii jeeday deegaan lagu magacabo

Muwaadiniin ka soo jeeda wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya,Itoobiya,Kenya,Congo,Nigeria iyo Rwanda,waxaana dowladdu ay sheegaysaa in sharciga la marsiin doono qofkasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...