Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Tababar usoo xirtay qaar kamid ah Haweenka Barakacayaasha ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Tababarkaan oo ay ka faaiideysteen 25-hablood oo laga soo kala xulay Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho ayaa socday muddo 3 isbuuc ah, waxaana lagu baray xirfado dhinaca gacanta ah oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay tababarka ay ugu talo gashay in shaqo abuur ay u noqoto hablahaasi, iyadoo isla maantaba Wasaaraddu ay ku  wareejiyey shahaadooyin iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.

Qaar kamid ah Hablaha ka faaiideystay Tababarka ayaa sheegay in xirfadda ay barteen ay noloshooda ku maareyn doonaan, iyagoo u mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo fursadan siisay.

Ibraahim Xuseen Cali lataliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa la dardaarmay Hablaha tababarka loo soo xiray, isagoo xusay in looga baahanyahay in xirfadooda ay hormarin ku sameeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Isxaaq Xaashi ayaa sheegay in ujeedka Tababarkan uu ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Hablaha Barakacayaasha ah oo u baahan garab istaag.

Hablaha tababarka ka faaiideystay ayaa kamid ah qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha Baralacayaasha ee Muqdisho, kuwaas oo ay heysato xaalad dhanka Nolosha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...