Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray shuruudaha Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa

Date:

Garoowe (SNTV) Waxaa maanta lasoo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Guddiga doorashada Puntland oo maanta la magacaabay ayaa sheegay in Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland laga doonayo in ay buuxiyaan shuruudaha isdiiwaan gelinta oo ay qeyb ka yihiin soo gudbinta araajida musharaxnimo iyo bixinta lacagaha isdiiwaan gelinta.

Hadaba Halkaan ka Akhriso magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabay 12-kii duhurnimo ee maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January, iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo.

Musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayay gudigu sheegeen in laga doonayo bixinta lacag dhan $20,000 oo doolar halka ku-xigeenkiisana laga qaadayo $10.000 oo doolar taas oo ah lacagaha isdiiwaan gelinta.

Waxaa sidoo kale guddiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in da’dooda aanay ka yaraan 40 sano, iyadoo la waafajinayo qodobada ku xusan dastuurka Puntland.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida guddiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...