Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray shuruudaha Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa

Date:

Garoowe (SNTV) Waxaa maanta lasoo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Guddiga doorashada Puntland oo maanta la magacaabay ayaa sheegay in Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland laga doonayo in ay buuxiyaan shuruudaha isdiiwaan gelinta oo ay qeyb ka yihiin soo gudbinta araajida musharaxnimo iyo bixinta lacagaha isdiiwaan gelinta.

Hadaba Halkaan ka Akhriso magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabay 12-kii duhurnimo ee maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January, iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo.

Musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayay gudigu sheegeen in laga doonayo bixinta lacag dhan $20,000 oo doolar halka ku-xigeenkiisana laga qaadayo $10.000 oo doolar taas oo ah lacagaha isdiiwaan gelinta.

Waxaa sidoo kale guddiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in da’dooda aanay ka yaraan 40 sano, iyadoo la waafajinayo qodobada ku xusan dastuurka Puntland.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida guddiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...