Antonio Guterres oo aqbalay go’aankii Dowladda Federaalka, Wakiil cusubna u soo magacaabaya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in xoghayaha Guud uu aqlabalay Go’aanka Dowladda Federaalka ay ka qaadatay Wakiilkii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom,kaasoo ahaa inaan dalka laga rabin kana sii shaqeyn Karin (persona non grata).

Wuxuuna Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres sheegay inuu soo magacaabayo Wakiil cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha Guud wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay Mr. Haysom,islamarkaana uu ahaa shaqsi khibrad leh oo la ixtiraamo lehna door hoggaamineed oo muhiim ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna ee 1961, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal.

Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed kaalmaha hore kaga jiraan dalalka baahiyaha weyn u qaba taageerida Qaramada Midoobay,waxayna Qaramada Midoobay shaacisay iney sida ugu haboon u gudaneyso fulinta taageeradeeda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...