Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya uu baal maray hanaankii u degsanaa xafiiskiisa, isla markaaana ay dowladdu ka qaadatay go’aan cad oo ah in uusan dalka ka shaqeyn karin.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee dalka looga eryay ay tahay in uu hareer maray hanaankii iyo asluubtii UN-ka, isla markaana uu meel uga dhacay Qaranimada Soomaaliya, dowladuna ay ka qaadatay go’aan ah in uu dalka isaga baxo.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Danjire Nicholas Haysom uu sameeyay waxyaabo fara gelin ku ah Qaranimada Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn soo saaray warqado uu u qoray qaar ka mid ah xafiisyada dowladda oo uu eedeymo u jeedinayay, taasi oo uu Wasiirku ku sheegay inay tahay mid meel looga dhacayo Qaranimada Soomaaliya.

“Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan la fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...