Ururka IFJ oo sheegay in tirada dhimashada suxufiyiinta caalamka lagu dilay ay garayan 94 sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

Date:

Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ) ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Saxaafiyiin   iyo shaqaale Warbaahineed oo gaaraya 94 la dilay sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

Warbixintaan oo sanadkiiba mar laga sii daayo xarunta xiriirkaasi ee magaalada Brussels dalka Biljam,ayaa lagu xusay in Saxaafiyiin iyo shaqaale Warbaahineed ay u dhinteen dil la bartilmaameedsaday,qaraxyo,xabado la isweydaarsaday iyo shilal dhacay sanadkaan.

Lix ka mid ah dadkaasi dhibanayaasha ah ee la dilay ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ahaayeen Haween,halka 3-shaqale lala xiriiriyay shil.

Tirada dhimashada sanadkaan waxa ay ka sareysaa tii sanadkii 2017-dii ee la diiwaangaliyay ,taas oo gaaareysay  82,waxaana dhimashada hadda la tilmaamay in ay tahay 84 suxufi iyo 10 shaqaale warbaahineed.

Madaxa Xiriirka  Caalamiga ah ee Suxufiyiinta Philippe Leruth ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in la ansixiyo ama la dhaqangaliyo cahdi ilaaliya amniga iyo badqabka Saxaafiyiinta.

Tirada dhimashada ee shaqalaha warbaahinta sanadkaan

Afghanistan: 16

Mexico: 11

Yemen: 9

Syria: 8

India: 7

Pakistan: 5

Somalia: 5

United States: 5

Philippines: 3

Ecuador: 3

Brazil: 3

Colombia: 2

Palestine: 2

Guatemala : 2

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...