Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sidan ku yiri” INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN,Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qarankaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornayl Ruush) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho,”

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush),wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo,ehaladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa ku tilmaamay inuu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka,islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...