Wasiirka Warfaafinta dalka oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Date:

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Warbaahineed ee labada Dal, waxaana madaxda Wasaaradda Warfaafintu ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka ay door muuqda ku leedahay baahinta waxqabadka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo Safiirka lagu soo wareejiyey Qeybta TV-ga Qaranka oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Mr Mehmet yilmaz ayaa uga mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay waxaana uu sheegay in ka safaarad ahaan ay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo hormarin lahaa warbaahinta Dowladda.

“ aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka iyo sidii aad isoo dhaweyseen waxaan halkaan u imid in aan iska xogwareysano xariirka Warbaahinta labada dowladood, xariirka soomaaliya aan la leenahay waa mid taariiqi ah”ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ahmiyad weyn uu lahaa kulanka uu la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen qodobo xoojinaya xiriirka labada dal.

“waxaan kawada hadalnay kaalinta Warbaahinta dowladda ay ku leedahay hab tabinta xariirka wanaagsan ay Soomaaliya la leedahay Dowladda Turkiga, waxaan kaloo kawada hadalnay xariirka Warbaahinta ee labada dowladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaad 10-kii sano ee ugu dambeysay  Soomaliya ka taageereysay  dhinacyada dhismaha ciidanka Xoogga dalka, dhismayaasha  wadooyinka, xarumaha Caafimaadka iyo gargaarka ay u fidiyaan dadka Baracayaasha ah ee ku nool gudaha Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...