Wasiirka Qorsheynta dalka oo xarigga ka jaray Xafiiska Soomaaliya ee Mercy Corps

Date:

Xilli dawladda Soomaaliya ay dhammaadka sanadkan u qabatay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dalka inay xafiisyadooda ka furtaan dalka ayaa shalay si rasmi ah loo furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya iyadoo uu xariga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan oo uu wehliyo madaxa Hay’ada iyo Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorasheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame.

Kadib baaqii dowladda ayaa waxaa isi soo taraya iyadoo ay ka soo jawaabayaan dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ay wadanka soo dagaan intaan sandkan 2018 dhamaan.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka iyo sidii guud ahaan adeegyada loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen, iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel ka baxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiisyada Hay’addaha Socdaalka ee IOM iyo. Hay’adda Care International , si howlahooda shaqo ay uga bilowdaan gudaha Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...