Wasiirka Gaadiidka “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho.

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Gadiidka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka ee ka shaqeeya gudaha Magaalada iyo kuwa yar yar, waxaana meel la isla dhigay in ay laga maarmaan tahay hubinta tayada gaadiidka iyo in ay u dhameystiran yihiin sharciyada looga baahnayahay sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka Mudane Cali Gacal Gaaboow.

Maxamed Kulmiye Axmed waa Qabiir ku xeel dheer Gadiidka iyo dhulka waxaa uu ka hadlay sida ku haboon ee looga hortagi karo ciladaha ku yimaada gawaarida isla markaana loo baahanyahay in tijaabo la mariyo gadiidka ka howlgala gudaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay in ay u hoggaansamaan sharciga.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa kaloo Wasaaraddu sheegtay  in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, si loo ilaaliya nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...