Shir-weynaha Qaran ee Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shir-weynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa goob joog ka haa sidoo kale shir-weynahaas furitaankiisa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diriye,wasiirro,xildhibaanno, dhalinyaro ka kala socota maamul goboleedyada iyo gobolkan Banaadir diblomaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Mudadii uu socoday waxaa hadallo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  iyo Wasiirka dhallnyarada Khadiijo Maxamed Diiriye,iyagoo ka hadlay ahmiyadda ay arrintan u leedahay bulshada.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ujeedka shirkan uu yahay sidii loo cadeyn lahaa kaalinta ay dhalinyaradu kaga jirto arrimaha siyaasadda ,maadaam ay yihin laf-dhabarkii dalka.

Mudane Mahdi maxamed Guuleed ayaa amaanay kalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin horumarka dalka,isagoo ku dhiirogeliyay in ay sii xoojiyaan dadaalkoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Shirkan oo socon doono muddo labo maalmood ah ayaa lafilayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah,waana Shir sanadkiiba mar la qabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...