Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka oo doortay Guddoonka Guddiga

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho galabta ku doortay guddoonka guddiga maaliyada.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xiggeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo siddii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...