Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Hay’ad u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta.

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xildhibaan Sheikh Nuur  Maxamed Xassan  oo maalmahan howlo shaqo ku joogay Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Hay’adda u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta.

Waxaa Wafdiga Wasiirka soo dhawayn u sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda  Eng. Cabaas Cabdulqani Qudbaan & Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda.

Labada dhinac waxaa ay dib isula eegeen caqabadihii qabsaday Xujayda Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay, iyada uu Wasiirku xoogga saaray sidii xujayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg ku tayo ah xujayda dowladaha kale ka yimaada.

Wasaaradda & Hay’adda ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay tayaynta adeegga la siiyo Xujayda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro acmaasha Xajka.

Dadaalka wasiirka ayaa wax wayn ka badalay haybadda xujayda Soomaaliyeed maadaama sanadkan 2019 ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 si la mid ah dowladaha Caalamka isla markaasna ay heli doonaan adeeg la mid ah xujayda kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...