Wafdi ka socda Hirshabeele oo maanta tagay Buula Burde

Date:

Hiiraan(SNTV). Ujeedka socdaalka wafdigan ka socday dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa iugu jiray u kuurgalka xaaladaha guud ee degmada Buula burte,nolosha bulshada iyo ka qeybgalka xil wareejinta maamulka cusub ee degmadaasi iyo kii hore.

Guddoomiyaha Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19/12/2018.

Waxaa Xafkadda Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada buulaburde ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure ayaa xilka ku wareejiyay  Guddoomiayaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdicasiis Duurow isagoo xusay in u la shaqeyndoono,sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyaya waxqabdka maamulkii ka horeeyey,isagoo ka codsaday shacabku in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi oo isugu jiray xildhibaano wasiiro,waxgarad iyo marti sharaf kale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo maamulka cusub,si uu u guto waajibaadkiisa shaqo,iyagoo ku dheeraaday ka hadalka baahiyaha loo qabo in shacabka deegaanadaasi ay helaan adeegyadii ay u baahnaayen o dhameystiran.

Ugu danbeyntii wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmadaas,Waxaana uu kula dardaarmay Xubnaha ka wada tirsan maamulka degmadaas in ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

“Waxaa la idinka rabaa in maamulka cusub aad garab istaagtaan oo aad la shaqeysaan,taasi waxaan hubaa in ay keeni karto waxqabad wanaagsan,gudoomiyihii hore wuu ku mahadsanyahay in xilkii si wanaagsan uu u wareejiyay,isagoo og in xilka uu yahay mid meerto ah,marka waxaan idin dardaarmayaa in aad wadashaqeysaan oo aad wax wada qabsataan”. Ayuu yiri Wasiir Caadle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...