Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo kormeeray Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile iyo Warta nabada

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile Iyo Warta Nabada.

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa la kulmay Masuuliyiinta Labada degmo iyo Bulshada degmooyinkaas, wuxuuna wareystay Xaaladihii ugu dambeeyay iyo wadashaqeynta u dhaxeysa.

Sidoo kale Waxaa uu kormeeray Maxaabiista ku xiran labada Saldhig si loo ilaaliyo Xuquuqda Maxaabiista

Guddoomiyaha Maxkamdda Rafcaanka Gobollka Banaadir ayaa kormeer joogta ku sameeya Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir asagoo u kuur galaya howlaha shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...