Madaxweynaha Mareykanka oo si Kumeel gaar ah Patrick Shanahan ugu magacaabay Wasaaradda Difaaca

Date:

Washington(SNTV ) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay Mr James Mattis wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka oo dhawaan xilka iska casilay in uu dhaqsi xafiiska u baneeyo,iyadoo ujeedka uu yahay in la buuxiyo jagadaasi uu ka tagay.

James Mattis Xoghayihii Difaaca Mareykanka oo 68 jir ahaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay xilka ka degey kadib markii uu sii fogaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha khilaafka oo salka ku haya arrimaha la xiriira miisaaniyadda Difaaca ee dalka Mareykanka.

Mr James Mattis  oo la filayay in uu xilka wareejiyo bisha February ee sanadka cusub ayaa lagu qasbay in uu banneeyo xafiiska gebi ahaanba bisha January ee sanadka na soo aadan ee 2019-ka iyadoo xilkaasi si KMG uu u qaban doono kuxigeenkii xoghayihii Difaaca ee Mareykanka oo uu u magacaabay madaxweyne Trump.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu madaxweyne Trump kaga waramay isbedelka lagu sameynayo hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in xoghaye kuxigeenkeenii Difaaca oo aad u Khibrad badan ee Patrick Shanahan uu si kumeel gaar ah xilka Wasaaradda Gaashaandhiga Ula wareegi doono, 1-da bisha Janaayo, Patrick Shanahan  wuxuu leeyahay Khibrad ku filan oo horey uu uga soo shaqeeyay sida xukigeenka Difaaca, wuxuu noqon doonaa qof wanaagsan”. Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Patrick Shanahan  oo 56 jir ah ayaa ku soo biiray Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka sanadkii 2017-dii kadib markii uu kuxigeen ahaan uu u magacaabay madaxweyne Donald Trump.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...