Burcad dhac u geysan jirtay ardayda jaamacadaha oo la xukumay.

Date:

Muqdisho (SNTV) – Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto  ayaa loo heystaa in ay dhac u geysan jireen Ardayda Soomaaliyeed kuwooda u soo aada jaamacadaha qeyba kamid ah degmada Hodan ee  gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka Seybiyaano.

5-bishii tegaty ee sanadkan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana xilligaas loo gudbiyay Hey’adaha Baarista.

Waxaa jiray cabashooyin ay u gudbiyeen Hey’adaha amniga  Ardayda Dhaca loo gaystay ee dhigta Jaamacadaha Plasma iyo Hornafrik.

01-     Bishii 12-aad ee sanadkan ayay baaritaan dheer kadib codsasdeen xafiiska xeer ilaalinta in la maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

18- bishii 12- add ayaa  loo fariistay dacwadda dhanka ah eedeysanayaasha.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow sawirka hore…..

Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto sawirka 2-aad…

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...