Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha Dowladda

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane ,Xasan Cali Kheyre, ayaa faah-faahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta Dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.

Mudane, Kheyr, oo Maanta  hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, tukashada Salaadda Jimcaha ka dib ayaa sheegay inay Dowladdu leedahay Tubta siyaasadda loo dhan yahay, taasoo ka shaqaysa sidii Dadka laysugu keeni lahaa, loo dhammaystiri lahaa Dastuurka Kmg ah, dhismaha Asxaabta siyaasadeed , awood qaybsiga iyo in Ummadda Soomaaliyeed loo sameeyo mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socda, una dareemaan Dowlad iyagu ay wada leeyihiin,

Wuxuu sheegay in ay Dowladdu leedahay Tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha, oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

Mudane; Kheyre, ayaa madaxda Soomaaliyeed xusuusiyay inay Taariikhda xusi doonto , wuxuuna sheegay inuu hadafka Dowladdu yahay inay Ummdda Soomaaliyeed u sameeyaan mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socota, Qof walbana lagula xisaabtami doono inta uu xilka hayay wixii uu qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...