Alshabaab oo maleeshiyaad looga laayay Beledul Amiin

Date:

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab ayaa lagu laayay duqeyn ka dhacday Baladul Amiin oo woqooyi galbeed kaga beegay Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidammada Mareykanka oo taageeraya kuwa dowladda Soomaaliya ay beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab oo isku dayay in ay weeraraan ciidammada dowladda iyo kuwa Amisom.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 11 maleeshiyada Alshabaab ah lagu dilay labo duqeymood, waxaana la qiyaasayaa in khasaaraha argagixisaada gaaray uu intaas ka badan yahay.

Ma jirto khasaare dhimasho oo soo gaaray dadka rayidka ah, ciidammada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadooda taageeraya intaba.

Dowladda Mareykanka howlgalkeeda Africa ee AFRICOM, ayaa si joogto ula howl gala ciidammada Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo ka caawinaya sidii ay u xididdo siibi lahaayeen argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay inay sii wadeyso taageerada ay la barbar taagan tahay ciidammada Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika, si loo cirib tiro argagixiada Alshabaab iyo Daacish ee cadowga ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Duqeymo joogto ah oo laga baaraan dagay iyo dagaallo maleeshiyaad badan looga dilay, ayaa wiiqay tabarta kooxda Alshabaab ee gabbalkeedu sii dhacayo, taas oo yareysay khatartii amni ee ay ku hayeen shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...