Kampala (SNTV)- Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda Waxaa saakay ka furmay shirka sannadlaha hey’adaha warbaahinneed ee waddamada ku jira urur gobolleedka IGAD iyadoo diiradda lagu saari doono isbadellada gobolka iyo iskaashiga warbaahinta dalalkaas,soomaaliya waxaa shirkaas u matalayay Agaasimaha Waaxda
Qorsheynta ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Tifaftireyaasha Telefeshinka Qaranka & Radio Muqdisho.
shirkaan waxaa qeybtii hore lagu qabtay dalka Ethiopia sanadkii hore waxaa diiradda lagu saaray horumarinta warbaahinta dalalka IGAD ,iyadoo sidoo kale la isku weydaarsado xogaha, iyo hab tabinta dhacdooyinka xasaasiga ah.
Shirkan ayaa socon doono afarta Cisha ee ina soo aadan.