Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay tababarka lagu baranayay ka hortaga dambiyada Abaabulan

Date:

Muddo labo maalmood ah oo uu soconayo tababarkan ku saabsan ka hortagista dambiyada abaabulan ee isaga gudba Xuduudaha ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,Ciidanka Boliiska, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo shirkadaha ka shaqeya arrimaha Duulimaadyada waxa ay ku baranayaan sida dambiyada abuubulan wax looga qaban karo iyadoo dhincyada ay quseyso ay sameynayaan iskaashi iyo wada shaqeyn.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa ka sheegay furitaanka tababarkan in dambiyada abaabulan ka hortagistooda ay muhiim u tahay jiritaanka qaranimada iyo  dowladnimada isagoo xusay in hadaba ay jiraan talaabooyin dambiyadaas lagu xakameynayo oo hore loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Boolisku xooga saarayaan wax ka qabashada dambiyada abaabulan oo dhib weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in xal u helista dambiyadan marwalba ay ku xiran sida loo dhameystiro sharciyada lagu xakameynayo falalka dambiyada Abaabulan ah, wuxuuna ugu baaqay Xukuumada iyo Barlamanka inay dadajiyaan meel marinta sharciyadaas.

Waaiirka Amniga Gudaha Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo furay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan dhaqangalinta waxyaabaha ay bartaan iyo islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh.

Dambiyada abaabulan ee ee isaga gudba xuduudaha iyo Airaporada oo Soomaaliya inta badan ka dhaca ayaa waxaa kamid ah Tahriibinta, ka ganacsiga maandooriyaasha, lacagta la dhaqo, waxaana Dowladda Federaalka ah ay wadaa dadaalo lagu xakameynayo falalkaasi dambiyada abaabulan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...