DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

Date:

Mooshinkii Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo ku tilmaamay in lagaga been abuurtay.

Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Xogyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu ku qoray Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu kula socodsiiyay in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka iyaga oo tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ka dhex jiro khilaaf dastuuri ah oo u baahan in xal degdeg ah laga gaaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...