Wasiirka Maaliyadda oo faah faahiyey Wajiga Sadexaad ee Shuruudaha Deyn Cafinta Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Shirka Jaraa’id ee billaha ah ee wasiirk Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta, waxa uu ku sheegay inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah  kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.

Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta.

40-Dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan Hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray 3 dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...