Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga

Date:

Muqdisho(SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Emmanuella Claudia Del-Re oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib-u-soo celinta bilicdii Caasimadda iyo fulinta mashaariic waxtar leh oo bulshada Caasimadda shaqo abuur ka helayaan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u soo kabashada Caasimadda, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga lagu muujinayey hodantinimada hab-dhismeedka magaaleed ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay sawiradii hore ee caasimada tan iyo 1891dii oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen, kuwaas oo isagu jirey Wasiiro, Xildhibaano labada gole, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Emmanuel Claudio Del-Re ayaa ku bogaadisey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa ayna tilmaamtay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...