Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxaana wafdigan hoggaamineyay guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hoggaaminayay  guddoomiye ku-xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah  xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.

Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan  ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay  horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...