Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’antahay horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...