Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed oo uu tababar ugu soo xirmay Jabuuti-(Sawirro)

Date:

Jabuuti-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u  jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare.

Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu...

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...