Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya oo booqday Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira +Sawirro

Date:

Qaahira-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, oo booqasho ku jooga Dalka Masar, ayaa tagay Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira, isagoo halkaasi kula kulmay Madaxa Madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim.

Mudane, Goodax, ayaa Madaxa Madbacadda Masar kala hadlay, sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada Dalka , taasoo ay ugu horreyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga.

“Waxaan ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay ka Wasaarad  ahaan mar walba u heellan yihiin sidii kor loogu qaadi  lahaa waxbarashada Dalka, islamarkaana loo kordhin lahaa xirfadda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya , C/llaahi  Goodax Barre, ayaa intii uu halkaasi joogay waxa uu la kulmay Wasiirka waxbarashada Masar, Wasiirka Tacliinta sare ee Masar iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo tayayn lahaa waxbarshada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...