Guddoomiye Eng. Yarisow “Waa in wadajir loogu istaagaa horumarinta Caasimadda

Date:

Muqdisho December 6 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayay daadajinta adeegyada bulshada oo ka dhacday Degmada Dharkiinleey ayuu ku dhiirigeliyey Maamullada Degmooyinka in ay dar-dargeliyaan fulinta adeegyada bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Caasimadda, iyadoo bulshada Isxilqaameyso loo istaagaan dib-u-dhiska magaalada. Isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu ku baaqay, isla markaana ay socdaan dhismaha xarumo muhiim ah oo lagu dhisayo barnaamijkan, iyadoo uu garab socdo qorsheyaal kale oo Caasimadda lagu dhisayo, bulshadana loogu jaheynayo tubta horumarka.

“Maamulka iyo shacabka degmooyinku waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda iyagoo wadajira, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga, qof walba masuuliyad ayaa saaran taasoo laga rabo inuu guto kana soo baxo kaalinta uga aadan dib-u-dhiska degmadiisa”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in dariseyntu ay tahay tiir muhiim u ah isdhexgalka bulshada, si ay u yeeshaan hal hadaf oo mideysan oo ku wajahan dib-u-dhiska iyo iskaashigooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiil ka socotay Booliska iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...