Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Date:

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...