Madaxweynaha Jabuuti oo xariga ka Jaray Warshad sifaysa saliida

Date:

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , xubno katirsan Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galay Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu daahfurayey Warshad Sifeysa Saliida oo laga hir galiyey Dalka Jabuuti.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kormeeray Xarunta Warshada waxa uuna u kuur galay howsha balaaran oo ay warshadaasi qabaneyso iyo sida shaqadeedu tahay, waxa uuna qayb qayb usoo eegay howsha warshadaasi iyo waliba sida ay ushaqeeynayso.

Ugu horeeyn waxaa goobtaasi hadal kajeediyay milkiilaha warshadaasi oo u dhashay dalka yemen, wuxuuna goobtaasi ka sheegay iney warshadani waxbadan kusoo kordhin doonto howlaha dhinaca isticmaalka saliida ay dadku u isticmaalaan cunooyinka daruuriga ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo isna sheegay in hormarka warshadani ay soo kordhinayso ay tahay mid qayb ka ah howlaha hormarineed ee dalka ka socda oo uu horseed kayahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo goobtaasi ugu dambeyn ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ganacsatada Dalka Yemen iyo kuwa kale oo iyane udhashay wadama kale ay  wax wayn kusoo kordhiyeen Dalka Jabuuti waxa uuna yiri ” hadii ay halkaan uyimaadeen anaga in ay wax nala qabtaan barnaamijka intaan la egna ay nala qabteen waa inaan ku faraxnaa una mahad celinaa, dhowr boqol oo qof ayaa halkaan ka shaqeeyso, dhiiri geli ayey noo noqon doontaa sida barnaamijkan loo sameeyay” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Waa markii ugu horeysay oo warshad nuucaana  laga hirgeliyo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana ay Warshadani ka qayb qaadaneysaa hormarka balaaran ee kasocda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...