Magaalada Mandheera Kenya oo marti gelineysa Todobaadka dhaqanka Soomaalida

Date:

Mandheera-Kenya-(SNTV)-Waxaa Magaalada Mandheera ee Waqooyi bari Dalka Kenya ka soconeysa qabanqaabadii ugu dambeysan eek u aaddan bandhigga Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo halkaasi ka dhici doona dhawaan.

Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday dhammaan Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga ee degta Gobolka Geeska Afrika, si ay halkaasi ugu debaal degaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.

Madaxa Maamulka Waxbarashada iyo Dhaqanka Mandheera, Izzidun Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay inay qaban qaabadu marayso meel wanaagsan, isagoo intaa raaciyay inay sameeyeen qorshayaal ay ugu tala galeen inay munaasabaddu ku dhacdo jewi wanaagsan.

Mr; Cabdi ayaa sidoo kale sheegay inuu Bandhiggani u furan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga si ay wax ugu bartaan dhaqankooda, Dalxiisayaasha iyo martida kaleba.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba, ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhoweynayaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan ku casuunnay Qof walba oo Soomaali ah, si uu u barto barto dhaqankeenna , taasina waxa ay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii Qarniyo hore, taas oo muhiim u ah  ilaalinta hiddaha iyo dhaqankeenna ,” ayuu yiri Guddoomiyhu.

Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa, Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Sugaan kala duwan iyo Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Isha/ Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...