Gudoomiye Ku-xiggeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiye Ku-xiggeenka dhanka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska ee ammaanka Muqdisho ay ka sugaan.

Guddoomiye Ku-xiggeenka ayaa tagay Koontaroolada kala ah Waxar Cadde, Daaru Salaam Galgala, iyo Gubadleey halkaasi oo Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Koontaroolo ay ku baaraan gaadiidka.

Ujeedada Kormeerka ayaa ahaa qiimeyn guud oo ku aadan sida Ciidamada ay halkaasi uga shaqeeyaan, waxaana uu dhiirageliyay ciidamada Booliska ee u taagan Suggida ammaanka Muqdisho ee Koontarooladaasi ku soo arkay.

“Waxaan maanta duhurkii kormeer ku tagay ciidamada ku sugan checkpoint yada magaalada laga soo galo gaar ahaan Galgalato iyo gubadley iyo waxar cadde iyo xaafadda daaru salaam halkaas oo ay ka hawlgalaan ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir.”

“Waxaan ku soo arkay ciidan heegan ah habeen iyo maalin una taagan qoraxda sidii ay dadka magaalada dagan nabadgalyo ugu seexan lahaayeen waxaana ku dhiirigeliyay shaqada ay u hayaan Qarankooda.” Ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Tuulax.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday dardargelinta qorshaha suggida & kormeerka ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo Gudoomiye Tuulax inta badan uu kormeer ku sameyay Degmooyinka Muqdisho oo isbedel amni wayn laga dareemaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...