Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, (SNTV):-Kulanka saaka ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan Salvatore Garang ayaa waxaa yeeshay Wasiirka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo ay wehliyaan Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Kulankaas waxaa lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bankiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay, iyadoo kulanku uu qayb ka ahaa kulamo badan oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba ku nool oo mas’uuliyiinta safaaraddu ay la yeelanayeen Madaxda wadanka Koonfurta Suudaan

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda balan qaaday in si dhaqso ah ay dowladu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...