Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab oo lagu laayay Gobalka Hiiraan

Date:

Beledweyn (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dilka maleeshiyaadkan ayaa yimid ka dib dagaal ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Maydadka Argagixisada la laayay iyo hubkii laga furtay haatan ay gaarsiiyeen magaalada Baladweyne halkaas oo ay doonayaan inay Warbaahinta ugu soo bandhigaan.

Sidoo kale Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka baxsadeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay haatan ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa aad u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyadoo khasaaro badan lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...