Aqoonyahanno cambaareeyay tacadiyada Shinaha ee muslimiinta Uighur

Date:

SNTV:- Boqolaal aqoonyahanno ah ayaa soo jeediyay in dalalka caalamka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Shinaha oo lagu eedeeyay in xerooyin gaar ah oo ku yaalla gobolka Xinjiang uu ku hayo muslimiinta Uighur oo ka mid ah bulsho weynta dalkaasi.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kulan maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Washington, DC,oo ay ka qeybgaleen 278 Aqoonyahan oo ka kala socday dhowr iyo toban dal,kaas oo looga hadlaayey tacadiyada Shinaha ay ku hayaan dadka muslimiinta ah ee tiro ahaan ka yar bulshada dalkaasi.

โ€œDalalka caalamka waa in ay soo dhoweeyaan dadka magangalyo doonka ah ama waa in qaramada Midoobay ay la timaadaa xeelad lagu badbaadinaayo muslimiinta ama la baaro tacadiyada loo geystayโ€sidaa waxaa yiri Aqoonyahanadaasi.

Waxgaradkaasi waxa ay qabaan in hadii aan wax laga qaban digniinta ay soo jeedinayaan ay calaamad u noqon doonto in la aqbalo dhibaatooyin iyo tacadiyo ku dhaca dadka maatida ah ee aan wax gllaabsan.

Aqoonyahanadu waxa ay ku baaqeen in Shinaha ay dhameeyaan siyaasadaha ku aadan in xerooyin gaar ah lagu hayo dadka muslimiinta,isla markaana cunaqabateyn la saaro hoggaamiyaashaย  dalkasi iyo heyโ€™adaha ammanka ee ku kaca falalka tacadiyada ah ee loo geysto muslimiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...