Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Dalka

Date:

Muqdisho, Nofeembar 26, 2018ย โ€“โ€จRaโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hayโ€™adaha amniga dalka, ayna ka goโ€™antahay in la helo amni laโ€™isku hallayn karo.

โ€œWaxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayoโ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkan waxaa ka qeyb galay, talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay matalayaasha dalalka aan saaxiibada nahay, kuwa ciidamada nabad ilaalinta ugu deeqayna ay goob joog ka haayeen.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Raโ€™iisulwasaaraha ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka dhanka amniga iyo qorshayaasha cad cad ee ay la timid si amniga dalka loo sugo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...