Wasiirka Beeraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya,ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kullan lagu dardar gelinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha la qaaday safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Al- Xuwayti.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd xoojinta wada shaqeynta labada dhinac , qorshe dejinta shir lagu wado inuu ka dhaco Masar,kaasi oo looga hadli doono wax soo saarka beeraha, deyn cafinta Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, tababarsiinta beeraleyda Soomaaliyeed  iyo sidii jaamacadda Carabta ay uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda wax soo saar ee dalka Soomaaliya.

Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Samraan Al- Xuwayti oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha kaga mahadnaqay sida sharafta leh oo ay usoo dhoweyeen, wuxuuna ballan qaaday  in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka Soomaaliya .

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in qodob muhiim oo wax ku ool ah Soomaaliya ay labada dhinac ka wada hadleen dhammaana la isku afgartay waxyaabihii laga hadlay.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo idlaaday is afgarad waxaana la isla gartay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii laga hadlay , Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaana ugu dambeyn  Safiirka u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka ka baxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...