Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo sheegay in hab raac sax ah aan loo marin warbixintii guddiga Maaliyada

Date:

Muqdisho November 24 (SNTV):-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo  shir Guddoominayey Kulan ay yeesheen Golaha shacabka ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay warqad ay ku saxiixanyihiin Toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka, waxaana warbixinta golaha u arkhiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga  ka mid ah.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha ka horjeediyay warbixin miisaaniyadeedka 2018-ka oo eedeymo horey loogu soo jeediyay, waxa uuna ka jawaabay su’aalihii  eedeymahaasi la xiriirtay.

Sidoo kale Wasiiru-Dowlaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan Miisaaniyadda 2018-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada, isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

“Warbixin guddi marka Golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah, mana la soo marsiin waana gef, raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa, dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala, ansixintii iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii, yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed, intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....